Aanadii Negeeye by Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd - Bookswagon
Home > General > Aanadii Negeeye
Aanadii Negeeye

Aanadii Negeeye


     0     
5
4
3
2
1



International Edition


About the Book

"Aanadii Negeeye waa buug waddo cusub u furaya bandhigga xikmadda iyo suugaanta soomaalida oo ilaa hadda si wayn la isugu soo tebin jirey tix ahaan. Waa tiraab waji cusub leh; waa male-awaal dhacdooyin jirey ka muuqdaan; waa maldahaad haddana si cad wax u sheegaysa; waa farriin sare oo qoraagu u xushay afsoomaali sugan oo faseex ah. Aanadii Negeeye waa sheeko culus oo raadgoobaysa diillimaha kala jaadjaadka ah ee jeegaanta masxkaxda Aadamiga: mar waa siqiir danbi-laawe ah oo bulshaduu ku korayaa ay xumaan ku habayso; marna waa cadaawad lagu bogsiinayo aargoosasho, kufsi, dhac, tuugo, xatooyo xoolo dadweyne; marna waa bayaaminta itaaldarrida Aadamiga oo waa kalgacal iyo jacayl nadiif ah; mar waa damac adduun iyo cidi kaama sarrayso ku taam; marna waa xaqiijinta waxa ummad dhan nolosheedii maanta ka dhigay ummad la'aan. Waxay sheekadani tahay digniin ah wixii dhacay, ee ku dhacay soomaali, waa wax soo noqon kare e, ummadyahay ka digtoonaada." - Jaamac Muuse Jaamac. "Buuga sheekada 'Aanadii Negeeye' runtii waa buug yaab leh sida la isugu duba riday. Farshaxnimada heerka sare ee loo qoray waxaad markiiba odhanaysaa ma arag buug kan la mid ah! Macnaha uu xanbaarsanyahay, sheekada xiisaha badan, fikerka dahsoon, dhaqanka, falsafada iyo dareen nafsadeedka intuba waxay ku tusayaan xeeldheerida mu'allifaka buugga iyo aqoonta durugsan ee uu u leeyaahay hal abuurka noocan ah. Sida uu fikradaha kala duwan si sahlan ugu soo gudbiyey erayo af soomaali fudud oo hufan aadna u qota dheer mararka qaar waxaad mooddaa in qaamuus af soomaali ahi hortiisa yaallo oo siduu doono erayada u kla xulanayo. Intan oo xikmad ah af soomaali ma lagu gudbin karaa? Waa buug aan u arkay inta sheeko soomaali aan akhriyey kii ugu mudnaa. Waxaa hubaal ah qofkii akhriya buuggan 'Aanadii Negeeye' inuu kala kulmayo waayo aragnimo weyn." - Cawil Xuseen Cali. "Aanadii Negeeye ee Ibraahin-Hawd waa sheeko dibirrooti laga amaamudday. Hadda iyo hadhowto, ma jirayaan wax ku soobaxaya sida qacda hore loo maleynayo; waayo dhacdooyin hore iyo dhacdooyin dambe ayaa isula falgalaya siyaabo, aayahooda dambe, aan la sii odorosi kareyn, halkaas oo ay ka soo ifbaxayaan weliba dhiillooyin horleh; gooraha qaarkood na, akhristeha iyo baxaalliyada ba (jilaaga), labaddaraadle, waxa hadba ugu soo xigi dhalanrog la layaab leh. Negeeye oo jardiinada Fiilla Adduun kursijiif ku dangiiga, ayaa maankiisu higsanayaa fallaagonnimadii tiil Damalweyn. Shir ay beeshiisu beri ku guddoonsatay in la digarogto ayuu dib u soo gocanayaa. Colaad berigaas jirtay darteed ayay beeshu u guuri lahayd; si ay nabadgelyadeeda u sugto, iyo tab ay geeri uga badbaaddo. Waageedii, isla jeerkii uu dhacay guddoonkaas isaga ah, Dhool ayaa iyadu na foolatay. Sidaas darteed, Geeddi Buraale ayaa ku taliyay in curadkiisii loo wanqalo, hayaankii na dib loo dhigo. In la guuro iyo in aan la guurin, ayay se noqotay tooyashadii tolka. Geeddi iyo Goodir na halkaas ayay isku afdhaafeen; waayo Goodir ayaa qabay "ciil ka soo jeeday caddaloolkii kuraynimo." Labadii rag ahaa na, farafootame'; Goodir na, laga itaal roonaa'. Dabadeed, markii la kala guray colkii, iyada oo la rumeysnaa in uu iska ba hoyaadtegay, ayuu madashii kula soo laabtay qori cabbaysnaa: Goodir waxa uu toogad ku ajalay Geeddi Buraale: Sidaas ayuu habeenkii uu Negeeye dhashay, aabbihii na uu ku dhintay." - A M Yuusuf Waayeel. "Sheekada buuggu [Aanadii Negeeye] waxay ku saabsantahay noloshii qofka soomaaliyeed kala soo kulmay Jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Muddadaas oo ku jeeniqaaran laga soo bilaabo dhammaadkii lixdamaadkii ilaa burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Nolosha miyiga iyo ta magaalada ayaa isku dhafan oo kolba aad dacal ka daawanaysaa. Negeeye oo magacaba kula baxay reer geeddi ahaa oo dhalashadiisa u negaaday ayaa usha u haya sheekada. Maadaama oo nolosha miyiga iyo tan magaaladu ay kala jaad tahay, waxa ka muuqata qoraaga buugga qoray in labaduba u fudud yihiin ka had alkooda." - Sayid Axmed Dhegey.


Best Sellers



Product Details
  • ISBN-13: 9781494468040
  • Publisher: Createspace Independent Publishing Platform
  • Publisher Imprint: Createspace Independent Publishing Platform
  • Height: 229 mm
  • No of Pages: 388
  • Series Title: Somali
  • Weight: 535 gr
  • ISBN-10: 1494468042
  • Publisher Date: 13 Dec 2013
  • Binding: Paperback
  • Language: Somali
  • Returnable: N
  • Spine Width: 19 mm
  • Width: 152 mm


Similar Products

Add Photo
Add Photo

Customer Reviews

REVIEWS      0     
Click Here To Be The First to Review this Product
Aanadii Negeeye
Createspace Independent Publishing Platform -
Aanadii Negeeye
Writing guidlines
We want to publish your review, so please:
  • keep your review on the product. Review's that defame author's character will be rejected.
  • Keep your review focused on the product.
  • Avoid writing about customer service. contact us instead if you have issue requiring immediate attention.
  • Refrain from mentioning competitors or the specific price you paid for the product.
  • Do not include any personally identifiable information, such as full names.

Aanadii Negeeye

Required fields are marked with *

Review Title*
Review
    Add Photo Add up to 6 photos
    Would you recommend this product to a friend?
    Tag this Book Read more
    Does your review contain spoilers?
    What type of reader best describes you?
    I agree to the terms & conditions
    You may receive emails regarding this submission. Any emails will include the ability to opt-out of future communications.

    CUSTOMER RATINGS AND REVIEWS AND QUESTIONS AND ANSWERS TERMS OF USE

    These Terms of Use govern your conduct associated with the Customer Ratings and Reviews and/or Questions and Answers service offered by Bookswagon (the "CRR Service").


    By submitting any content to Bookswagon, you guarantee that:
    • You are the sole author and owner of the intellectual property rights in the content;
    • All "moral rights" that you may have in such content have been voluntarily waived by you;
    • All content that you post is accurate;
    • You are at least 13 years old;
    • Use of the content you supply does not violate these Terms of Use and will not cause injury to any person or entity.
    You further agree that you may not submit any content:
    • That is known by you to be false, inaccurate or misleading;
    • That infringes any third party's copyright, patent, trademark, trade secret or other proprietary rights or rights of publicity or privacy;
    • That violates any law, statute, ordinance or regulation (including, but not limited to, those governing, consumer protection, unfair competition, anti-discrimination or false advertising);
    • That is, or may reasonably be considered to be, defamatory, libelous, hateful, racially or religiously biased or offensive, unlawfully threatening or unlawfully harassing to any individual, partnership or corporation;
    • For which you were compensated or granted any consideration by any unapproved third party;
    • That includes any information that references other websites, addresses, email addresses, contact information or phone numbers;
    • That contains any computer viruses, worms or other potentially damaging computer programs or files.
    You agree to indemnify and hold Bookswagon (and its officers, directors, agents, subsidiaries, joint ventures, employees and third-party service providers, including but not limited to Bazaarvoice, Inc.), harmless from all claims, demands, and damages (actual and consequential) of every kind and nature, known and unknown including reasonable attorneys' fees, arising out of a breach of your representations and warranties set forth above, or your violation of any law or the rights of a third party.


    For any content that you submit, you grant Bookswagon a perpetual, irrevocable, royalty-free, transferable right and license to use, copy, modify, delete in its entirety, adapt, publish, translate, create derivative works from and/or sell, transfer, and/or distribute such content and/or incorporate such content into any form, medium or technology throughout the world without compensation to you. Additionally,  Bookswagon may transfer or share any personal information that you submit with its third-party service providers, including but not limited to Bazaarvoice, Inc. in accordance with  Privacy Policy


    All content that you submit may be used at Bookswagon's sole discretion. Bookswagon reserves the right to change, condense, withhold publication, remove or delete any content on Bookswagon's website that Bookswagon deems, in its sole discretion, to violate the content guidelines or any other provision of these Terms of Use.  Bookswagon does not guarantee that you will have any recourse through Bookswagon to edit or delete any content you have submitted. Ratings and written comments are generally posted within two to four business days. However, Bookswagon reserves the right to remove or to refuse to post any submission to the extent authorized by law. You acknowledge that you, not Bookswagon, are responsible for the contents of your submission. None of the content that you submit shall be subject to any obligation of confidence on the part of Bookswagon, its agents, subsidiaries, affiliates, partners or third party service providers (including but not limited to Bazaarvoice, Inc.)and their respective directors, officers and employees.

    Accept

    New Arrivals



    Inspired by your browsing history


    Your review has been submitted!

    You've already reviewed this product!