About the Book
Marka si guud loo qiimeeyo waxa ruuxda quudiya ama qadiya, dareenka dharjiya ama gaajo ku rida, dhiigga kiciya ama dejiya, qalbiga qafaasha ama isu dhiiba, waxa ugu mudan ee ugu mug iyo macne weyn waa caashaqa. Waa caashaqa ay qaarkood dhahaan waa magaca loo bixiyo jacaylka aan xiriir ku guulaysan, qaarna ay dhahaan waa jacayl gaammuray oo aan dan ka lahayn xiriir iyo goyn oo labadaba ku tanaada oo ku sii barbaara, qaar kale na ay dhahaan jacayl iyo caashaqba waa uun laba magac oo ka turjumaya dareen isku mid ah laakiin se ka la heer ah. Waa caashaqa boqollaal jaad ku yimaada, sida loo la falgalana ay dhaliso in uu noqon mid dhuleed ama mid cir, qofkiisana bada in uu adduunka ku khasaaro, ku waasho, ama uu dhinto ama in uu dunida walxaha iyo kulka jirka dhaafo oo uu guul iyo guuldarraba u duuliyo xaggaa iyo cirkii ay ruuxdu ka soo hayaantay.
Waxaa jirta in ay aadanuhu si gaar ah u dhiteeyaan jacayl degaan uun si uun caan uga noqday, inta badan ama giddigoodna la oran karo waxaa ay ka sinnaayeen guuldarrada dhalisay in uu soo ifbaxo oo uu qarsoonida qalbiga iyo sirta nafta inta uu ka fakado carrabbada dadka iyo erayadooda ka dhigta dabayshii dunida oo dhan gaarsiin lahayd. La yaab ma leh oo aadanuhu dareen ahaan waa xuub jilicsan oo si fudud ku dillaaca, waxaa se ugu liibaan iyo farxad badan kan marka uu xuubkiisaasi dillaaco uga faa'idaysta sidii uu ugu hayaami lahaa cirka. Cidna la ma oran caashaqa iska ilaali, loo ma na diidin in uu dareennadiisa dharjiyo e, waxa keliya ee ku duugan caashaqa waa in uu yahay imtixaanka ruuxda iyo jirka, qof walbana ay tahay in marka uu caashaqa dhadhamiyo uu iska dhawro u hoobashada caashaq beenaadka jirka, beddelkeedana uu u dhoofo xaggaa iyo cirka. Taa ayaa caashaqa ka dhigta caashaq macaan badan, laakiin se dhammaan sheekooyinka caashaqu marka ay guuldarraystaan ee ay kashifmaan waa ay waaraan haddii ay gaarsiisnaayeen heer uu xanuunkoodu u qalmo in uu ku safro sadcaalka waayaha iyo giraanta dunidaan ay jiilba jiil ka dhaxlayaan. Qisadeennaanina waa uun mid ka mid ah caashaqyadii dunida ugu xanuun badnaa ee ay waayuhuna sida ay u caddibeen si la mid ah ay ugu sooreen safarka waayaha iyo sabirsiinta qalbiyo kale oo qawladahooda ku dhiigbaxaya.Sida uu leeyahay sheekh Axmed Yasawi, jacaylka ma aha walax iyo jir la jeclaadee, waa jacaylka xaqa iyo xaqiiqada, waxa kalana waa suurad ku baraysa jacaylka dhabta ah, jidkiisana ku gu duwaysa haddii aad sirta fahamtid 'qofkii caashaqa aqoonsada, naftiisa wuu halmaamaa, mar haddii uu gacaliyihiisa la joogana, wax dhiba uma uu arko haddii unuunka laga jaro,
Buuggaan oo aan markii labaad dib u turjumay waxa uu inoo sidaa laba sheeko, laba jacayl, amaba afar. Laba barbaar oo dhinac ah, laba barbaar oo dhinac kale ah, laba walaal oo dhan ah iyo laba saaxiib oo dhan kale ah. Macaan iyo kharaar, kul iyo qabow, guul iyo guuldarro, raf iyo raaxo, silic iyo sareedo, iyo dareenno badan ayaa uu inoo sidaa, waxaana la gu xardhay erayo amakaag iyo ashqaraar leh oo ay isa ga dambeeyeen laba sheekh, laba suufi, laba suugaanyahan, laba daaci, laba qoraa, laba fiqi oo labaduba Kurdi ahaa. Waxaa markii hore i waday jacaylka afkeenna iyo hayaanka tanaadintiisa iyo macaanka sheekadaan sida ay ugu qalanto in ay dhitadiisa ka mid noqoto. Markaa hore waxaan horjeed ku mamman sheekadaan, markaan dambana waxaan islahaa ha kuu noqoto naqdiin afkeennana mar kale dhitadiisa sii kordhisa. Haddii ay tii hore tan ka macaan tahay waan ka cudurdaaranayaa, daliilna waxay iigu noqonaysaa in jacaylkii iyo mammaantii hore ay iga dhinteen, ruuxdayduna ay sii faaruqgaraacaysa. Haddii ay tani tii hore kaa la heer sarraysana, waxaan ku faraxsanahay in aanay ruuxdaydu wada hooban, sidii hore ka badanna aan sheekadaan ugu mammanahay, afkeennana aan weli ilmihiisii ahay.
Ka bogasho wacan iyo xulasho wanaagsan dhammaanteen.